Ticker

6/recent/ticker-posts

Sida Lacag Looga Sameeyo Ama Looga Faa’idaysto “Facebook Reel”

 

Sida lacag looga sameeyo barta Facebook-ga ee Reel ayaa ah xog ay xiiseeyaan qaar badan oo ka mid ah hal-abuurayaasha nuxurka, iyadoo dhawaanahan ay soo baxeen barnaamijyo la mid ah reel, kuwaas oo soo jiitay dhallinyaro badan, gaar ahaan iyadoon ujeeddadeedu aanay ahayn keliya maaweelo, balse ay sidoo kale leedahay faa’iido dhanka maaddiga ah, waana tan ta aynu ka hadlayno maanta –eebe idamkii.

Sida Lacag Looga Sameeyo Ama Looga Faa’idaysto Facebook Reel

App-ka Facebook ayaa lagu tiriyaa mid ka mid ah app-yada isgaarsiineed ee ugu guulaha badan, maadaama ay adeegsadaan dad badan oo kala jooga dalal kala duwan, una adeegsadaan ujeeddooyin kala duwan, sida la socoshada wararka daqiiqadba daqiiqadda ka danbaysa, la wadaagida asxaabta wakhtiyada farxadda leh, daabacaadda iyo akhrinta wararka kala duwan.

1- Iibinta Badeecadaha

Waxaad si fudud u soo bandhigi kartaa ama u xayaysiin kartaa dhammaan badeecadahaaga, adigoo u maraya muuqaalada Facebook-ga ee Reel, waxaadna ka heli doontaa faa’iido badan.

2- Helidda Abaalmarinada Uu Bixiyo Facebook

Waxaad abaalmarino badan ka heli kartaa Facebook Reel, adigoo raacayo qaar ka mid ah shuruudahan soo socda:

  • Inaad u hoggaansanaato shuruudaha gaarka ah ee u yaala Facebook Reel, si lacag looga sameeyo.
  • Inaad 30-kii maalmood ee la soo dhaafay aad soo baahisay ugu yaraan 5 muuqaal oo reel ah.
  • Muuqaaladii aad baahisay 30-kii maalmood ee la soo dhaafay waa in ay gaadhaan 100,000 oo aragtiyood.

4- U Helidda Website-Kaaga Booqdayaal

Waxaad ka faa’iidaysan kartaa Facebook Reel, adigoo soo daabacaya muuqaalada reel, kuna dhajinaya website-kaaga, taasoo suurtagalinaysa in ay goobtaadu booqdaan dad badan oo daneeya waxa aad ka hadashao, isla mar ahaantaana uga faa’iidaystaan ​​​​waxyaabaha aad bixiso.

5- Helidda Dhibcaha Ama Xiddigaha

Waxaad faa’iido maaliyadeed ka heli kartaa Facebook, adigoo muuqaalada aad baahisay ka heleya dhibco ama xiddigo laguu soo diray, laakiin shardi waa in bogga lagu baahinayo muuqaalada reel uu ugu yaraan gaadhay 1000 follow (raace) labadii bilood ee la soo dhaafay.

Waxayna Meta dawadayaasha u ogolaatay inay dhibcaha ama xiddigaha u diraan hal-abuurayaasha nuxurka ee ka soo baxay shardigii ahaa 1000-ka follow.

Facebook waa mid ka mid ah shabakadaha ugu faa’iidada badan baraha bulshada, doorkeeduna kuma koobna oo kaliya madadaalo, sidoo kale waa bandhig badeecadaha/adeegyada iyo suuqgeyntoodaba.

Shuruudaha Muuqaalada ama clips-yada reel ee Facebook

  • Muuqaalku ama clip-ku waa inuu ahaadaa (.mp4)
  • Tayada muuqaalku waa in ay ahaataa ugu badnaan (720p)
  • Muuqaalku waa in uu u hoggaansamaa shuruudaha madasha Facebook.
  • Muuqaalku waa in lagu sameeyaa mobile, ha ahaato Android ama Apple.
  • muuqaalku waa inuusan dhaafin 60 ilbiriqsi.

Publicar un comentario

0 Comentarios