Ticker

6/recent/ticker-posts

Su’aalaha Ugu Muhiimsan Ee Laga Yidhi Lacag Samaynta Internet-Ka

 

Maqaalkan, waxaynu isla eegi doonaa –eebe idamkii- su’aalaha ugu badan ee laga yidhi “Lacag Samaynta Internet-ka“, kuwaasoon ka eegi doono dhinacyo badan.

1. Lacag Samaynta Internet-ka Ma Wax Jiraa?

Lacag Samaynta Internet-ka waa wax jira, oo xaqiiqo ah, (ku qanac ama ha ku qancin) waxaana jira tobanaan milyan oo dhallinyaro ah oo internet-ka ka shaqeysta lacagna ka sameeya, waxaana tobanaankaa milyan ka mid ah kumanaan dhallinyaroo Soomaali ah.

Haddaba su’aasha ay tahay inaad si dhab ah isku weydiiso waa: “Waa Maxay Hababka Saxda Ah Ee Internet-Ka Lacag Looga Sameeyo, Kuwaasoo Ku Habboon Duruufahayga Gaarka Ah?“.

2. Waa Maxay Website-Ka Ugu Fiican Ee Internet-Ka Lacag Looga Samayn Karo?

Website kasta oo internet-ka lacag looga sameeyo, wuxuu ku salaysan yahay dhowr arimood, kuwaas oo kala ah: bixinta nidaamyo faa’iido leh, ama bixinta agabyo ama waddooyin fudaydinaya lacag samaynta internet-ka, ama xittaa bixinta hab gargaar ah, kuwaasoo lacag laga samayn karo.

Tusaale ahaan: Website-ka Amazon waa mid ka mid ah website-yada bixiya barnaamijka la yidhaahdo ” Affiliate Marketing“, kaasoo kuu ogolaanaya inaad lacag ka samayso badeecad/adeeg aanad adigu lahayn, adigoo kaliya suuqgeynaya, una keenaya dadyaw diyaar u ah iibka, iib kasta oo adiga dartaa u dhacaa, waxaad ku leeday khidmad gaar ah.

3. Sidee Baad $100 Internet-Ka Uga Samayn Kartaa 10kii Ilbiriqsi Kastaa Mar?

Waxaa jira shirkado, goobo, iyo mashaariicyo ku salaysan internetka, kuwaasoo boqollaal doolar sameeya 10kii ilbiriqsi kasta, laakiinse haday su’aashaadu u dhigan tahay sidatan: sideen ku helayaa waddo ama hab aan nasiib ahayn, taasoo 10kii ilbiriqsi kasta aan ku helayo $100, dhab ahaantii markaa iyada ah waxaad ku nooshahay nolol gabi ahaanba ku salaysan khilaayi iyo male-awaal aan jirin.

Lacag Samaynta Internet-Ka” waxay la mid tahay “Lacag Samayn Kasta Oo Dhulka Ka Jirta“, mana jirto waddo fudud oo gaaban oo uu qofku ku heli karo lacag intaas le’eg, hasa yeeshee dadaal iyo wakhti badan oo badan kadib, laga yaabo inay taa suurtagasho.

4. Sidee Internet-Ka Lacag Looga Sameeyaa Iyadoo Meel Eber Ah Laga Bilaabayo?

Waxaa jira tillaabooyin iyo hab aad ka qaadi karto, kuwaasoo kuu fudaydinaya inaad internet-ka lacag ka samayso, adigoo waliba meel eber ah ka bilaabaya, waxaana ka mid ah:

  • Dooro goob ama nuxur gaar ah
  • Baro goobtaaas ama nuxurkaas, ururi macluumaadka iyo aqoonta ku saabsan, si fiicanna u fahan dhammaan dhinacyadiisa iyo noocyadiisa kala duwan.
  • Diyaarso agabyada iyo aaladaha aad u baahan tahay, si aad u bilowdo.
  • Bilow
  • Noqo mid dabacsan, siina wad, oo isku day mar walba inaad wax ka barato khaladaadkaagii hore.

5. Sideed $50 Maalintii Uga Samayn Kartaa Internetka?

Waxaa jira siyaabo iyo xeelado badan oo aad $50 celcelis ahaan uga heli karto internetka maalintii, tusaale ahaan:

  • Inaad yeelato Blog.
  • Inaad iskaa u shaqaysato, oo aad iibiso xirfadahaaga, ama adeegyadaadaba.
  • Inaad suuqgeyso badeecad/adeeg aanad lahayn, iib kasta oo adiga dartaa u dhacaa, waxaad ku leedahay khidmad gaar ah.

Si kastooy ahaataba, Lacag samaynta internet-ka la mid ma ahan shaqooyinka caadiga ah, kuwaasoo leh mushahar go’an, hasa yeeshee ugu horrayntii waxay kaaga baahan tahay inaad geliso dadaal iyo wakhtiba.


Publicar un comentario

0 Comentarios